Waa Maxay Cidhbo Xanuun (Plantar Fasciitis)?
Cirbo xanuun (Plantar fasciitis) waa xaalad xanuun ah oo ku timaada ciribta iyo cagta hoose. Waxay dhacdaa marka seed adag oo isku xirta ciribta iyo faraha oo la yiraahdo “plantar fascia”, uu soo wajaho caaliq (inflammation). Xaaladdan waxaa badanaa sababa isticmaalka ciribta oo xad-dhaaf ah sida socod ama orod badan oo aanad horay usamayn jirin iyo kabo sartoodu adagtahay.
Sababaha keena
- Isticmaalka xad-dhaafka ah ee hawlaha sida orodka ama istaagga muddo dheer.
- Kabaha aan sartooddu jilicsanayn ama duugoobay.
- Culeyska xad-dhaafka ah, sida miisaan ka qofka, taas oo kordhisa cadaadiska fuula seeda “plantar fascia”.
- Murqaha kubka ama seeda sibirta “Achilles tendon” oo adkaada.
Calaamadaha
- Xanuun daran oo ciribta ah, gaar ahaan subaxdii hurdada kadib ama nasasho kadib.
- Xanuun sii xumaada marka hawlo dheeri ah la sameeyo.
- Dhutin ama in qofku dhulka dhigi kari waayo dhulka.
Qaababka Daaweynta
- Nasiimo iyo Baraf: Yaree socodka iyo taagnida badan mudo 1 ilaa 2 uscbuuc ah oo isticmaal xirmooyin baraf si uu u yaraado caaliqu “inflammation”
- Daawooyinka: isticmaal dawooyinka xanuunka yareeya sida ibuprofen.
- Kabaha: waxka bedel kaba oo isticmaal kabo hoostoodu “sarta” jilic-santahay.
- Jimicsi lagu kala furo ama murqaha kubka iyo seeda “plantar fascia”.
- Ugu dambayn waxa loo baahan kara cirbadaha corticosteroid ama qaliin hadii ay jirto laf kasoo bax ah oo cadaadis saaraysa seeda “plantar fascia”.
Ka Hortagga
- Marwalha xidho kabo hoos “sar” jilicsan oo ku haboon socodka iyo istaaga dheer.
- Si joogto ah u fidinta “stretching” cagahaaga iyo kubkaaga.
- Ka fogow inaad ku socoto cagaaga oo xiro kabo xataa guriga dhexdiisa.
(JIMICSIYADA LOOGU TALO GALAY CIDHBO XANUUN KA - WAA MAQAAL GAAR AH (link)